Hadafkeenna waa in aan bulshada Soomaaliyeed u fududeyno helitaanka xog sax ah, warbixinno la hubiyey, iyo falanqayn ku saabsan waxqabadka hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xoojiyo daahfurnaanta, isla-xisaabtanka, iyo dowlad-wanaagga.
Waxaan ka shaqaynaa in aan:
- La soconno waxqabadka iyo maamulka hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
- Soo ururinno, falanqaynno, oo soo bandhigno xog ku salaysan xaqiiqo iyo caddayn.
- Dhiirrigelinno isla-xisaabtanka masuuliyiinta iyo hay’adaha dowladda.
- Kor u qaadno wacyiga shacabka ee ku saabsan doorkooda la socodka maamulka dalka.
- Taageerno maamul ku dhisan hufnaan, caddaalad, iyo ku dhaqanka sharciga.
- Ka soo horjeedno musuqmaasuqa, ku-takri-falka awoodda, iyo isticmaalka khaldan ee hantida dadweynaha.
- Dhiirrigelinno in xilalka iyo fursadaha dadweynaha lagu saleeyo karti, aqoon, hufnaan, iyo caddaalad, halkii lagu salayn lahaa qaraabo-kiil ama dano gaar ah.
Waxaan ku dadaalaynaa in aan noqono ilo lagu kalsoonaan karo oo soo bandhiga xog iyo aragti dhexdhexaad ah, si loo xoojiyo xiriirka ka dhexeeya shacabka iyo hay’adaha dowladda.
Hadafkeenna ugu weyn waa in aan gacan ka geysanno dhismaha maamul hufan oo shacabka u adeega, isla markaana ilaaliya hantida iyo danaha dadweynaha.
